
Xili ay jirto xiisad xoogan oo u dhaxeeyo Dowlada Federaalka Soomaliya iyo Maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe aya waxa xalay Magalada Nairobi isugu yimid Xildhibaanada Maamulka Jubaland oo ka qeyb galayay Xaflad loogu dabaal degaayo Guusha Doorashada Axmed Madoobe.
Xildhibanada Jubaland Garabka Axmed Madoobe aya ayaa si weyn u dhaleeceyey Raiisul wasaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare.
Xasan Firinbi oo ah ,mudane baarlamaanka ka tirsan aya shegay in Xamse Cabdi YAHAY in uu yahay Shaqaale Xasan Shiiq ku shaqeeysanayo oo uusan matalin Jubaland iyo Daarood.
Waxa meesha loo geeyey waa in lagu burburiyo Jubaland,taas aya loo keenay oo uu ka shaqeeynayaa ayuu yiri Xildhibaanka.
Xildhibaanka aya sidoo kale Duray Ciidanka Dowlada ee Raaskaambooni lagu daabulaayo isago sheegay in ciidankaas uu yahay ciidan laga damacsan yahay Duulaan Jubaland ka dhan ah.
Xildhibaanka aya ku baaqay abaabulka Gurmad loo fidiyo jubaland iyo iskaashiga dhaqaalo loogu uruurinaayo Maalka si loo difaaco Jubaland.
Hadalka Xildhibaanka aya imaanaya iyadoo uu uu jiro Xiisad xoogan oo u dhaxeeyso Maamulka Dowlada Soomaaliya kaasi oo ka dhashay in ciidamo xoogan lagu daabulay Deegaanada Maamulka Jubaland ee Dowlad Goboleedka Jubaland.