
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu u safro dalka Turkiga, sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleynu Madaxtooyada Soomaaliya.
Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imanaya kadib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan.
Xogo dheeraad ah oo kasoo baxaya safarka madaxweynaha ku tegayo Turkiga ayaa sheegaya in wada-hadal fool ka fool ah ay Ankara ku yeelanayaan isaga iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Erdogan ayaa wada dadaalo uu ku dhex-dhexaadinayo madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhammeeyo xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhaxeysa labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer diiday inuu la kulmo Abiy Ahmed, isagoo ka hor-yimid dadaalo ay wadaan madaxda gobolka oo la doonayay in lagu kulansiiyo.
Xasan ayaa horay u caddeeyay in aanu la kulmi doonin Abiy iyo madaxda Itoobiyaanka illaa dowladda Itoobiya ka laabato heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay Somaliland.
Si dhab ah looma oga waxa beddelay mowqifkii madaxweynaha Soomaaliya ee la kulanka madaxda Itoobiya, maadaama xogaha ay sheegayaan in Anakara lagula kulansiinayo Abiy, waxaana isha lagu hayaa sida ay wax u dhici doonaan.
Tiro sedex jeer aha aya waxaa horay lagu kala tagay kulamo u dhaxeeyey Somalia iyo Ithiopia kuwaasi oo la isku fahmi wayay wadahadalada kulamadaasi.