
Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa katirsan Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee ka amar-qaadanaya Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka dhacay Tuulada Marnaani ee u dhaxeysa Raaskambooni & Buurgaabo.
Dagaalkaan ka socda Deegaankaan 30ka Kiilo-mitir u jira Magaalo xeebeedka Raaskambooni oo saldhig u ah Ciidanka Dowladda Federaalka waxaa ka dhashay khasaara kala duwan oo soo gaaray ciidankaan dagaalamaya.
Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada uu soo abaabulay Axmed Madoobe, waxaana ay intaas ku dareen ay kahortageen abaabulka Duullaankaas sida ay hadalka u dhigeen.
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidanka Federaalka ee fadhigoodu yahay Magaalada Raaskambooni ay weerar kusoo qaadeen ciidamo katirsan Daraawiishta Dowlad-Gobleedkaas.