
Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay heshiiska ay dhawaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku gaareen madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo iftiimiyay arrimo muhiim ah.
Fahad ayaa soo bandhigay illaa 5 farriimood op ku jira heshiiska, isagoo tilmaamay sida uu filan waa ugu noqday heshiiskaan dowladaha Masar iyo Eritrea.
Shanta farriimood ee shirka Ankara.
π ππβππππ: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xaqiijiyay dhawrista madaxbannaanida dalka, burinta heshiiskii Muuse Biixi iyo dib u dhigidda heshiiska bixinta badda.
π πππππ: Abiy Axmed wuxuu helay gaarista badda oo loo ogolaaday, galid iyo bixid ( In and out), damaanad qaadka dowlad saddexaad iyo joogista ciidankiisa Soomaaliya.
π ππππ: Cabdiraxmaan Cirro toban saac kahor intaanan xilka loo dhaarinin baa Alle faraj cirka uga soo riday. Miinooyinkii uu uga tagay Muuse Biixi ayaa si sahal ah looga saaray jidka. Nasiino maskaxeed iyo buuq laβaan buu dadkiisa ugu shaqaynayaa.
π πππππππ: Dowladaha Masar iyo Eratariya heshiiskan wuxuu ku noqon doonaa filanwaa, waxayse sugayaan dhaqan galintiisa iyo wadahadallada soo socda ee nooca gaarista Badda ee Itoobiya ay dooneyso.
π πππππππππ: Erayada la xiriiro gaarista badda waa kuwa u baahan la tashiyo sharci iyo taxadar dheeraad ah.