
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa kusoo warramaya in la diyaariyay ciidamo dheeraad ah oo lagu xoojinayo kuwa daraawiishta ah ee jooga Magaalo xeebeedka Raaskambooni.
Ilo kala duwan ayaa inoo sheegay in Maamulka Jubbaland uu diyaariyay ciidamo dheeraad ah, Gaadiid Dagaal iyo saanad si loo geeyo Magaalada Raaskambooni oo maalin kahor ay ka qabsadeen Ciidanka Federaalka.
Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ujeedka ciidankaan loo geynayo Magaalada Raaskambooni ay tahay in la xoojinayo ciidamada halkaas jooga si ay gacan adag ugu qabtaan nabadgalyada Magaaladaas sida hadalka loo dhigay.
Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo wata hubka fudud ayaa Magaalada Kismaayo looga qaaday Doomo lagu buufiyay Calaamada Aqoonsiga ee Dowlad-Goboleedkaas kuwaas oo lagu kordhiyay askartii horay halkaas u gaartay.
Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Raaskambooni sida ay sheegayaan ilaha kala duwan ee xogtaan laga helayo, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka iyada oo ciidamo dheeraad ah la geeyay.