
Magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose waxaa galabta diyaarado laga soo saaray ciidankii dowladda federaalka ee dagaalka lagu qabatay Arbacadii lasoo dhaafay, kuwaas oo gacanta u galay Jubbaland.
Tirada askarta maxaabiista ah ee Jubbaland ay ku qabatay dagaalkii Raaskambooni waxay gaareysaa 83 askari oo isugu jira Militeri, Boolis iyo Nabad Sugid.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland oo Wasiirro, guddoomiyaha Kismaayo iyo saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray deegaanka Raaskambooni.
Masuuliyiinta Jubbaland ayaa Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ku wareejiyey askartaan maxaabiista ah, waxayna sheegeen inay ka xunyihiin dagaalkii dhacay iyo in wiilal Soomaaliyeed ay maxaabiis ahaan u heystaan.
Sidoo kale, Jubbaland ayaa isla maanta labo diyaaradood u dalabtay ciidankaas, si Muqdisho ay uga soo dejiyaan, diyaaradii koowaad ayaa galabta Raaskambooni ka soo qaaday 33 askari oo ciidankii dagaalka lagu qabtay ah.
Diyaaradii labaad ayaa Raaskambooni kasoo qaaday 50 askari, sidaas ayuu ciidanka lagu qabtay dagaalka ku ahaa 83 askari, askarta qaar waxay qabeen dhaawacyo kala duwan, waxaana galabta Maqribkii laga soo dejiyey Muqdisho.
Taliyaha qeybta 43-aad oo goobta ciidankaan laga soo qaaday warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Kismaayo uu ka soo baxay isagoo aan fasax ka heysan dowladda federaalka, isla markaana uu Jubbaland kala wareegay askartii ay maxaabiis ahaanta u qabteen, si wiilal Soomaaliyeed oo dhaawacyo iyo dhibaatooyin kale qaba aysan daryeel la’aan ugu dhiman Raaskambooni.