
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaliya, Ganacsatada iyo Bulshada si diiradda loo saarayo kahortagga & La dagaalanka Maalgelinta Argagixisada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay shirkaan, waxa uu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la xiriira la dagaalanka Maalgalinta waxa loogu yeero Argagixisada.
Ujeedka Shirka ayaa in Dowladda Federaalka ay kaashato Ganacsatada iyo Bulshada si looga hortago maalgelinta ‘Argagixisada’ iyada oo la beegsanayo Dadka la shaqeeya ‘AS’ ee u fududeeyo uruurinta dhaqaalaha sida shirkaan laga dhex sheegay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku hanjabtay in caddaaladda la horgeynayo qofkii lagu hela maalingelintaan isla markaana uu ku muteysanayo ciqaabta ku xusan falkaas sida hadalka loo dhigay.