
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in uusan isku xirnayn heshiiskii ka dhacay Magaalada Ankara iyo Howlgalka cusub ee AUSSOM Dalalka lagu soo daryo & kuwa laga saarayo.
Go’aanka diidmada ama aqbalidda ayuu tilmaamay in ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya sidaas awgeed iyada ay u madaxbannaan tahay Dalalka ay u aragto in ay munaasaba ku yihiin howlgalkaas billaabanaya 2025.
Axmed Fiqi ayaa shaaciyay in wadahadalkii Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga ka dhacay in aanay lagu soo hadal qaadin arrinta la xiriirta go’aankii Dowladdu ku xulatay Dalalka xubnah ka noqanaya howlgalka AUSSOM ee baddelaya ATMIS.
“Ciidamo wax ku saabsan loogama hadlin meeshaan, Masar ayaan looga hadlin, walaa Itoobiya ayaa looga hadlin balse arrinta xadgudubka ku saabsan ayaa looga hadlay, Ciidanka kamid noqonaya AUSSOM Soomaaliya ayaa isla leh go’aanka lagu ogolanaayo ama lagu diidayo oo kuma xirna heshiiska la gaaray, 18ka Bishaan ayaa fileynaa in Golaha Ammaanka shir ka yeesho” Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga XFS Axmed Macallim Fiqi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay Itoobiya u hordhigtay shuruud haddii ay fuliso ay uga mid noqon karto howlgalka AUSSOM waana in ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Maamulka Somaliland ee dhowaan iska fahmeen labada Dowlad.