
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo ka dhacay xarruunta golaha ee Madaxtooyadda.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga dalka iyo qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS, waxaana ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ku-xigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirrada xubnaha ka ah Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka.
Shirka intii uu socday, waxaa laga wada hadlay istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada Soomaaliyeed, kuwaas oo hadda ku howlan buuxinta amniga goobaha ay ka baxayaan ciidamada ATMIS iyo diyaarinta howlgalka cusub ee AUSSOM.
Sidoo kale, waxaa shirka lagu soo dhaweeyey warbixin muhiim ah oo ka timid Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, taas oo ka hadlaysay caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan isbaarooyinka iyo lacaga sharci darrada ah ee laga qaado gobollada qaar, sida Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Guddigu waxay arrintan ku tilmaameen caqabad weyn oo wiiqaysa wax-soo-saarka iyo horumarka dhaqaalaha dalka.
Madaxweynaha ayaa hay’adaha ku shaqada leh ku adkeeyey inay si degdeg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleyda Soomaaliyeed ay u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soo-saarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha ee dalku hodanka ku yahay.