
Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ay mar kale wado dhaqdhaqaaq xoogan oo ka dhan ah maamulka uu hogaamiyo Axmed Maxamed islaam Madoobe kaasi oo ka socda deeganada Maamulkaasi.
Jubbaland ayaa ka digtay in ay talaabooyinka ay wado Dowlada Federaalka ay ka dhalan karto cawaaqib xumo la mid ah midii ka dhacday Deegaanka Raaskaambooni ee Gobolkaasi Jubbada Hoose,kaasi uu dagaal ku dhex maray Maamulka iyo Federaalka.
Degmooyinka Gobolka Gedo aya waxaa ka socda dhaqdhaqaaq xoogan sida ay sheegtay Jubbaland kaasi oo la doonayo in lagu dumiyo maamulka sidoo kalena lagu carqaladeeyo Nabada ka jirta Deegaanada Maamulka Jubbaland sida lagu yiri qoraalka lagu baahiya barta Afka Maamulkasi ku hadasha.
Sida la fahamsan yahay Dowlada Soomaaliya ayaa wada talaabooyin ay ciidamo ku geeyneyso Deegaanada Maamulkaasi kaasi oo ka socda Inta badan degmooyinka Gobolka Gedo ee Maamulkaasi,kaasi oo inta badan taageero aan ka heysan Maamulka.
Talaabiyinkan ka socda Gobolka Gedo ayaa ka dhigan in mar kale ay suura gal tahay in ay Gacan isula tagaan Maamulka iyo Federaalka Ciidamada taabacsan iyadoo Dowlada Soomaaliya ay si weyn uga carootay wixii ka dhacay Deegaanka Raaskaambooni oo ah deegaan Xeebeed dhaca Gobolka Jubada Hoose.
Qorshaha hada socda aya la sheegay in uu daaran yahay in dowlada ay dooneeyso in ay mar kale diirado saarto sidii ay gacan adag ugu qaban laheyd deeganada Maamulkasi Gobol Muhiim ah uu gacanta ugu jiro ururkaasi alshabaab.