
Warar kale duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in Dowalda Soomaaliya ay Muqdisho keentay ciidamo ka tirsan kuwii isu dhiibay Dowlada Kenya kadib dagaalkii ka dhacay Deegaanka Raaskaambooni oo Gobolkaasi Jubada Hoose Dhaca.
Xoguhu waxay ku warameen in uu socda maanta markale in Diyaarado xogtooda la qariyay ay kusoo wajahan yihiin Muqdisho kuwaasi oo sida ciidamo ka mid ah kuwa Dowlada Soomaaliya,diyaradahasi ayana ka imanaya dhanka Kenya.
Wargeyska afka dheer ee Nation aya sheegay dhawaan in ilaa 600 oo Ciidamada Federaalka ah ay galeen gudaha Dalka kadib dagaalkii ka dhacay Deeganka Raaskaambooni oo Gobolkaasi Jubada Hoose dhaca.
Shalay aya la wariyay in Diyaarado yimi Muqdisho ay sideen Ciidamadii galay Xad beeeneedka Kenya uu la wadaago Soomaaliya kuwaasi oo ku jiray Xeerooyin Ciidan oo dalkaasi keenya ku yaala.
Dowlada Soomaaliya wada abaabul xoogan oo ka dhan ah maamulka Jubaland ee Soomaaliya kaasi oo ka Socda Gobolka Gedo iyadoo Ciidamo kale oo dheeraad ah la sheegayo in laga diri doono Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka si ay u biiriyaan talaabooyinka Militari ee ka dhan ah Axmed Madoobe.
Jubaland oo hadashay aya ka digtay talaabooyinka Milatari ee socda iyadoo sida ay sheegtay cawaaqib xumo uu ka dhalanaayo dhaq dhaqaaqyad Ciidan ee ka socda Goblka Gedo.