
Dood xoogan aya ka jirta Baraha ay ku kulmaan Bulshada ee Social Media-ha kadib markii ay sii kordheen Xildhibaanada isaga tagaya Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya ee doonanaya Xilal kale kuwaasi oo hadal heyntooda ay si weyn u taagan tahay.
Kadib Saadaq Cumar Xasan Joon iyo Mustaf Dhuxuloow oo kala noqday Taliye ku xigeenka NISA iyo Agaasimaha Jinsiyada Soomaaliya aya waxa soo baxaya wararka sheegaya in uu jiro hardan iyo kala doorasahda Xilal awood ama nacfi kale leh oo xildhibaanada ay doonayaan.
Waxaa si weyn u baahay Dhawrkii Saacadood ee u danbeeyey in Yaasiin Cabdulahi Maxamuud Fareey loo wado in laga dhigo Taliayaha NISA ee Gobolka Banaadir kaasi oo uu hada ku fadhiyo Cabdi Fiyaah Shaweey.
Yaasiin Fareey aya horay uga imaday dhinaca Hey’adaha Amaanka gaar ahan NISA isagoo soo noqday taliyaha Hey’ada mudadii uu Madaxweyne Farmaajo Xafiiska looga arimiyo Soomaaliya uu Joogay,Macada in ay dhab tahay iyo inkale
Xildhibaano iyaga Xilal kale ka doortay Kursiga Golaha Shacabka.
1-Mahad Maxamed Salaad, oo ku fadhiyey kursiga HOP#147 ayaa waayay kursigaan ka dib markii loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA.
2-Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolsho, oo ku fadhiyey kursiga HOP#058, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay Hirshabeelle ayaa waayey xubinnimada Golaha Shacabka ka gadalaa markii loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka NISA
3-Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon, oo ka mid ah Xildhibaannadii laga soo doortay Galmudug, kaas oo ku fadhiyey kursiga tirsigiisu yahay HOP#248, ayaa xilkiisa xubinnimo ee Baarlamaanka ku waayay kaddib markii loo magacaabay ku xigeenka Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.
4-Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo 2022 ku guuleystay kursiga HOP#172 deegaan doorashadiisu tahay magaalada Baydhabo ayaa kursigaan waayey ka gadaal markii markii uu aqbalay xilka loo magacaabay ee ah Taliyaha Ciidanka Asluubta.
5-Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ku fadhiyay HOP#049, ayaa xubinnimada Golaha Shacabka ku waayay kolkii loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
6-Xamsa Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya June 2022-kii ayaa isaga tagay Kursigii uu ku noqday Xildhibaan katirsan Baarlamaanka ee HOP#203.