
Lt Gen Igor Kirillov, oo ah sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Ruushka, ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda waddanka Ruushka.
Igor waxaa uu ahaa hogaamiyaha ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka ee Ruushka ee loo soo gaabiyo NBC.
Waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in qaraxaas lagu dilay ku xiigeenkiisa.
Igor Kirillow ayaa dhintay kadib markii uu qarxay bam lagu soo xiray mooto xili uu Talaadadii manta uu ka baxayay gurigiisa.
Isniintii, Ukraine ayaa Kirillov ku soo oogtay dacwad ka dhan ah isticmaalka hubka kiimikada ah ee hore looga mamnuucay Ukraine. Waxay ku eedeysay inuu geystay dembi dagaal.
Ingiriiska iyo waddamo kale ayaa ayaa hore Kirrilov ugu soo rogay cunaqabateyn sababo la xiriira doorkii uu ku lahaa adeegsiga hubka kiimikada ee Ruushka.
Waxaa xilka loo magacaabay bishii April ee sanadkii 2017-kii.
Waxaa xogo laga helay qalabkii qarxay ee uu ku dhintay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka Ruushka.
Qalabka loo adeesaday dilka janaraal Kirrilov, waa qalab rumuud-ka lagu hago, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee Tass.
Waxay sidoo kale sheegtay, in bamkaas laga yaabo inuu ku jiray 300 oo garaam oo ah walxaha qarxa, iyadoo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan booliska dalka.
Marka loo eego qalabka Qaramada Midoobay ee lagu qiyaaso ama lagu baaro khasaaraha ka dhasha qaraxyada, qalabka lagu xiray 300g oo walxaha qarxa ah, waxaa uu jebin karaa daaqad yar oo isla qalabkaas u jirta ilaa 17 miitir oo u dhiganta 55 fuud.
Wxay sidoo kale dili kartaa qof qof u jira 1.55 miitir, sida lagu ogaaday qalabka qaraxyada baara ee Qaramada Midoobay.
Wararka ayaa sheegaya in Ukraine ay sheegatay inay ka dambeysay dilka Lt Gen Kirrilov hogaamiyihii ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka Ruushka.
Warkan waxaa laga soo xigtay ilo wareedyo, sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP.
Igor waxaa uu ahaa hogaamiyaha ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka ee Ruushka ee loo soo gaabiyo NBC.