
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya meydka laba ruux oo laga helay xaafadda shacabka ee magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland dhacdadaasi oo si weyn u qalqal galisay shacab magagaladaasi.
Goobjoogeyaal ayaa inoo xaqiijiyay in labada ruux uu mid ahaa askari xirnaa dareyska ciidamada ilaalada Madaxtooyada ee Somaliland, halka qof kale ahayd haweeney.
Sidoo kale, Labada ruux ayaa jirkooda aysan ka muuqan wax dhaawac ah waxaana bilowday baaritaano ay sameeynayaan Ciidamada amaanka ee maamulkaasi si ay u ogaadaan waxa sababay dhimashada labadaasi ruux.
Ciidamada Amniga ayaa la wareegay meydka labada ruux, iyada oo la geeyay xarruunta CID ee magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, saraakiisha CID waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan baaritaannada, si loo xaqiijiyo waxa sababay geerida labada qof.