Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in madaxda Sare Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in awoodda doorashada dib loogu celiyo Shacabka si uu doorto Dadka metalaya.
Aadan Madoobe ayaa sheegay in sababta xoogga loo saarayo dardargelinta Doorasho Qof iyo Cod ah ay tahay in Shacabka uu yeesho awood buuxda oo codkiisa ku dooran karo si meesha looga saaro Doorashooyinka Dadban.
“Dowladda hadda jirta waxa ay go’aamisay in Shacab weynaha Soomaaliyeed mas’uuliyiintooda doortaan, Qof weliba waxa aan ku bogaadinayaa in uu qaato kaarka Doorashada oo uu ka qaybgalo Doorashada qof iyo codka ah, Qof weliba oo jooga Koofur Galbeed, Jubbaland, Muqdisho ama meel weliba oo Soomaaliya waa in uu qaataa kaararka Doorashooyinka si ay u doortaan Dadka metalaya” Sheekh Aadan Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS.
Waxa uu sheegay in Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre laga doonayo in degmo weliba oo gacanta Dowlad-Goboleedyada ku jirta in la geeyo Kaararka Muwaadinka iyo kuwa Doorashooyinka si loo helo tira koobka Dadka diyaarsan ee codeynaya