
Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya, xildhibaan Saddaam Maxamuud Cabdi ayaa noqdey wasiirkii saddexaad ee iska casila xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, muddo maalmo gudahood ah.
Is-casilaadda Wasiirada ayaa salka ku haysa khilaafka u dhexeeya Dowaldda Federaalka ah iyo Jubaland. Xildhibaan Sadaam ayaa ka soo jeeda Puntland, waxaana uu ku eedeeyey xukuumaddii uu ka tirsanaa in ay baalmartay dastuurkii dalka, siyaasadeysey mashaariicda Puntland, burburineyso nidaamka federaalka, colaadna ka abuureyso deegaanada Jubaland.
Xildhibaan Saddaam ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii dhawaan oggolaadey casumaadii Puntland uga timid kadibna soo saarey baaqa ay ku taagerayaan mowqifka Puntland ee ku aadan Dowladda federaalka, waxaana uu ahaa Wasiirka keliya ee kamid ahaa dhawr iyo tobanka xildhibaan ee Garoowe ka degay dhamadkii bishii hore.