
Waxaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay socday Ruclo orod ay ku jiraan Xildhibaanda Golaha Shacabka Soomaaliya kuwaasi oo baadi goob xooogan uga jiray Xilal ka baxsan midka hada ay ku fadhiyaan ee golaha Shacabka.
Mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya aya ka baxay golaha waxa ayna doorbideen Xilal,kuwa Ciidan,Ama Agaasimayaal aaday iyo kuwa iyaga kuraas kale hardan ugu jira.
in golaha laga baxo waxa ay ka bilaabatay Xildhibaan Xamse cabdi bare oo noqday Raiisul Wasaraha Dalka,Mahad Maxamed Salaad oo noqday Taliyaha Sirdoonka ee NISA,Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo isna Noqday Taliyaha Sirdoonka ee NISA,Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon,oo noqday ku xigeenka Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA,Mahad Cabdiraxmaan Aadan o noqday taliyaha Asluubta Soomaaliya,Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo noqday Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa jira xubno hada xildhibaano ah oo dowlada ka tirsan kuwaasi oo quuldareynayo xilal kale,xubnahaasi waxaa ugu tun weyn Yaasiin Cabdulaahi Maxamuud Fareey oo aad loo saadalinaayo inuu Noqdo Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir,kaasi oo hada uu joogo Cabdifitaax Shaaweey.
Dad badan ayaa is weydinaayo sababta mudanayaasha ku kalifeysa in ay ka tagaan Golaha Shacabka Soomaaliya.
Caqabada ma dhaqaalaha ayaa yar oo dhaqaalo 5000 ka badan ayay doonaayan Bishii,mise hadal heyntii ayaa luntay,mise Awood ayaay baadi goobayaan waa suaalaha ugu waa weyn ee la is weydiinaayo.
Dadka ka faalooda arimaha Siyaasada ayaa sheegay in ay suura gal tahay in ay xubnaha qaar wax ka dhaceyn intii ay xafiisyada Golaha Shacabka ka baxsan ay joogeen taasina ay keeneyso in ay qataro siyaasadeed ay la kulmaan maadama ay weynayaan Xasaanada oo gabaad u ahayed kolkii hore.
isku soo duboo Raiisul wasaraha Soomaaliya aya shegay in xubnaha ka tagaya Xubinimada Xildhibaanimada ay sabab u tahay in ay doonayaan in ay heleen Door wax qabad oo u gooni ah oo iyaga oo lagu xasuusto.
hadaba daawade waa maxay aragtidaada