
Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ku geeriyootay, fanaanaddii qaranka Soomaaliyeed Luul Jaylaani.
Luul Jaylaani waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ku ahaa qaadista heesaha banaadiriga, iyo jilliinka riwaayadaha ka tarjuma nolosha iyo dhaqanka bulshada banaadiriga ah.
Kadib burburkii dolwaddii dhexe ee Soomaaliya, Luul Jaylaani ayaa ku nooleyd qurbaha, halkaasi oo sidoo kale ay heeso ku qaaday kuna jishay ruwaayado ka tarjumaya xaaladda Soomaalida qurbaha.
Si kastaba, waqtigeedii xaqa ahaa wuxuu yimid xalay oo Isniin aheyd, oo ay ku geeriyootay magaalada Minneapolis.