
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda ay diiradda saareyso hagaajinta siyaasadda maadaama ay sabab u tahay dhibaatooyinka dalka la degay sida uu hadalka u dhigay.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in 54 sano kaddib Soomaaliya ay ku raad-joogto dhabbaha lagu gaarayo Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee la filayo in ay ka dhacdo Dalka sida uu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka.
“Siyaasadda darteed ayay Dadka Soomaaliyeed u dhibtoodeen, Siyaasadda & Dowladnimada waan hagaajin doonnaa, In yar ayaa inoo dhiman, Adduunyada sida ay u nooshay ayaan u noolaan doonnaa, Dowlado bada oo aan dagaal sokeeye ka dhicin oo aan burbur gelin ayaan ka roonahay” Ayuu yiri Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ isaga oo sheegay in Dowladda ay diiradda saareyso sidii ay uga qabsan lahayd deegaannada ay weli ka joogaan sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.