
Mustaqbalka howlgallada ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa wajahaya hubanti la’aan iyadoo maamulka Trump uu dib u eegis ku sameyn doono joogista dalka ku yaalla Geeska Afrika.
Go’aankii maamulka Trump ee 2020-ka uu ku dhawaad dhammaan ciidamada Mareykanka kaga saaray Soomaaliya ayaa noqday isbeddel muhiim ah oo ku yimid amniga markii horeba jilicsanaa ee Soomaaliya.
Talaabadan ayaa keentay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Guutada Danab, oo ah cutub uu Mareykanku tababaray, ay la daalaa dhacaan sidii ay uga hortagi lahaayeen Al-Shabaab iyaga oo aan helin taageero howlgal oo muhiim ah.
Kuwa dhalleecaya go’aanka ayaa sheegay in tallaabadan ay wiiqday dadaallada la dagaallanka argagixisada, halka kuwa taageersan ay iftiimiyeen inay qayb ka tahay siyaasadda ballaaran ee “America First”.
Khubarada ayaa ka digaya in maqnaanshaha ciidamada Mareykanka ay dhiiri gelin karto kooxda fallaagada ah ee Al-Shabaab oo weli ah tan ugu khatarta badan Afrika.
Peter Pham, ergeygii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa gobolka Saaxil, ayaa ka digay in Soomaaliya ay weli tahay barta xasilooni darida.
“Waxaan filayaa in madaxweyne Trump uu doonayo inuu xaaladda ku soo celiyo meeshii uu uga tagay dhammaadkii muddo xileedkiisii hore ee 2020,” Pham ayaa sidaas u sheegay warbaahinta Stars and Stripes.
Pham ayaa intaas ku daray “Ma jiraan dano amni oo Mareykan ah oo cudur daar u ah in khatar la geliyo hantida Mareykanka – iska daa dhiigga Mareykanka.”