
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay howsha adag ay heyso Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddelka Cimillada gaar ahaan muddadii ay mas’uulka ka ahayd Khadiija Al-Makhzoumi oo loo baddelay Wasaaradda Arrimaha Qoyska.
Xamsa oo ka qaybgalay munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen labadaas Wasiir ee la isugu baddelay Wasaaradaha ay kala hayeen ayaa kula dardaarmay in qof weliba uu xoogga saaro dhammeystirka howlaha u dhiman.
Waxa uu xusay in lala wadaagay dhibaatooyinka ka jira meelaha inta badan qashinka lagu shubo sida xeebaha oo dhibaato weyn ku ah Deegaanka, waxaana uu soo jeediyay in wax laga qabto oo lala xisaabtamo cid weliba oo ku lug leh.
“Deegaanka waa howsha ugu badan ee wax ka qabashada u baahan, marar kala duwan waxa ay Wasiir Khadiija ila wadaagtay muuqaallo laga soo duubay meelo ay kamid yihiin xeebaha oo dhibaatadeeda leh, Magaaladeenna & Nadaafadda halka ay kala joogaan waad arki kartaan” RW Xamsa Cabdi Barre.
Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa xilka Wasaaradda Deegaanka & Isbaddelka Cimillada kala wareegay Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi oo qudheeda kala wareegtay Wasaaradda horumarinta Arrimaha qoyska Soomaaliya.