Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay kulan gaar ah loogu soo bandhigay warbixinno la xiriira arrimaha Amniga iyo Doorashooyinka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabadsugidda iyo Polisiya Millitaariya.
Dhinacyada ayaa soo bandhigay warbixinno la xiriira qorsheyaasha xasilinta Caasimadda iyo sidii loo furi lahaa waddooyinka xiran ee magaalada.
Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay Taageerida Ciidanka iyo u diyaar garowga Doorashooyin ka qabsoonta Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli, maalmihii la soo dhaafay guddoomiye Amiir kulamo la yeelanayay qeybaha kala duwan ee dhinacyada maamulka iyo bulshada gobolka Banaadir.