
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay hawlgalkii ay muddooyinkii dambe Ciidamada Daraawiishta Puntland ka wadeen hawlgalka ka dhanka ah Daacish, kaas oo ka socda Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.
Sidoo kale, dawladda Federaalka ah ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay shacabka iyo maamulada dalka oo dhan ku dhiirigalineyso kuna garab istaagto doorkooda ka xoraynta dalka.
Warsaxaafadeedkaan ayaa ku soo aadayo xilli muddoyinkii u dambeeyay ay Ciidamada Puntland, hawlgallo ka wadeen buuraleyda gobalka Bari gaar ahaan buuraleyda Calmiskaad.