
Xildhibanada labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya aya war kasoo saaray talaaboyiin ay qaaday Dowlada Federaalka Soomaaliya,kuwaasi oo la xiriira Xiisada Jubaland iyo Dowlada Federaalka.
Mudanayaashaan aya sheegay in Dowlada ay cuno qabateeyn ku samaysay Maamulka Jubaland iyo Shacabka Maamulkaasi.
Dowlada ayay ku edeyeen in ay xanibaad ka saaratay shacabka arimihii gargaarka ee shacabka la gaarsiin jiray.
Sidoo kale Xildhibanada aya sheegay in kabkii miisaniyada qoondadii maamulka la jartay,taaso caqabad ku ah habsami u socodka howlaha shaqo ee maamulka,sidoo kale Duulimaadkii rayidka ayay shegen in la siyasadeyay iyo mashaariicyo kale oo horumarineed.