Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa soo bandhigtay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuna eedeysan dil ka dhacay magaalada Muqdisho.
NISA ayaa shaaca ka qaaday in lasoo xiray Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali , kuwaas oo loo haysto inay saddex nin oo ganacsato ahaa dhowaan ay ku dileen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.
Hay’adda ayaa sheegtay in raggaan lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka, waxayna intaasi ku dartay in cadaaladda la horgeyn doono.
Sidoo kale NISA ayaa xustay in lagu raad-joogo nin kale oo baxsad ah, qaybna ka ahaa dilka loo gaystay ganacsatada.
Warsaxaafadeedka ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in NISA ay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo ciribtiro.
Horay ayaa sidaan oo kale ayaa gacanta loogu soo dhigay eedeysanayaal loo haysto inay dileen ganacsato xirtay Kaamirooyinka CCTV oo ay ku amartay dowladda Soomaaliya.