Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa si adag ugu jawaabay wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo si weyn u dhaliilay dowladda federaalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Al-Cadaala oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa naqdiyay hadallada Juxa, wuxuuna u jeediyay eedeymo shaqsiyadeed, isaga oo runta u sheegay.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa shaaca ka qaaday in wasiir Juxa la yaqaano taariikhdiisa, uuna baal madow uu jiro, sidoo kalena yahay nin anshax xumo badan, sida uu hadalka u dhigay.
“Juxa labo taariikhood buu leeyahay, mid anshax xumo uu sameeyay ah buuggiisa ayuu ku qoray, isagoo madaxu cadaaday in uu meel lasoo fariisto doorkii uu ku lahaa burburkii dalka waa nasiibdaro” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in jiraan dad kale oo uu la meel dhigay argagixisada, isaga oo tusaaleynayay dhaqankooda.
“Kuwaas oo kale waxa ay ka xun yihiin oo dhaqan xumadooda ay ka halis badan yihiin argagixisada, sababtoo ah argagixisada waa la yaqaanaa, laakiin qofkan isaga oo u isticmaalayo magacii dowladda ayuu sidaas u hadlayaa” ayuu mar kale yihi wasiirku.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan uu wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo sidaan oo kale u weeraray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka qayb-galayay kulan dadweyne, wuxuuna adeegsaday erayo adag oo dad badan ka falceliyeen.