
Allaha u naxariistee Dalka Turkiga waxaa ku geeriyooday Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), oo ka mid aha Senotarada Aqalka Sare ee Dalka Geeridiisa waxaa xaqiijiyeen xubno katirsan Aqalka Baarlamaanka 11aad ee JFS iyo mas’uuliyiin kale oo ka tacsiyeeyay.
Senatorka aya waxaa la sheegay in uu mudooyinkii danbe uu xanuunsanaa isagoo Dalkaasi Turkiga u joogay Xaalado Caafimaad.
Senator Gaagaab waxa uu ku fadhiyay Kursiga tirsigiisu yahay UH28 oo deegaan doorashadiisu tahay Dowlad-Goboleedka Puntland, Marxuum Maxamed Cali Yuusuf ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Dalka Turkiga.
Bartamihii Abriil sanadkii 2022kii waxa uu noqday shirguddoonkii kumeel-gaarka ahaa ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka, waxa uu xiligaas diyaariyay Guddigii ka shaqeeyay Doorashada Guddoonkooda.