
Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Kenya Kithure Kindiki, waxa ay xoogga saareen xaaladda labada Dal iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya.
Axmed Fiqi oo safar kooban kusoo maray Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ayaa kulankaan xog-wareysiga ah waxa ay xaaladaha Soomaaliya iyo Kenya is dhaafsadeen Madaxweyne ku xigeenka Dalkaas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Madaxweyne ku xigeenka Kenya Kithure Kindiki ayaa qayb ka ah Madax lagu casuumay ka qaybgalka Caleema-saarka Madaxweynaha la doortay ee Dalka Mozambique.
Madaxtooyada Mozambique ayaa shaacisay in Madaxweyne Daniel Francisco Chapo laga sugayo wax qabad wanaagsan si dalkaas looga badbaadiyo duruufaha adag sida arrimaha Dhaqaalaha, Siyaasadda & horumarinta adeegyada Bulshada u baahan tahay.