
Baasaaboorrada dalalka Geeska Afrika ayaa sanadkan 2025 lagu qiimeeyay Henley Passport Index, iyada oo ay muuqato kala sarreyn cad oo ku saabsan awoodda socdaalka. Kenya ayaa weli hoggaamineysa gobolka, halka Soomaaliya ay sii wado inay ku jirto liiska ugu hooseeya ee caalamka.
Kenya iyo Tanzania ayaa si isku mid ah ugu jira kaalinta 70aad caalamka, mid walbana wuxuu fursad u leeyahay in lagu safro 70 dal fiiso la’aan ama fiiso marka aad gaarto. Inkasta oo Kenya sanadkii hore kor u kacday, haddana sanadkan hoos u dhac ayaa ku dhacay.
Uganda waxay ku jirtaa kaalinta 72aad, iyadoo dadka sita baasaaboorkeeda ay geli karaan 67 dal. Rwanda ayaa ka dambaysa, iyadoo ku jirta kaalinta 75aad, waxaana fursad u ah 63 dal oo fiiso la’aan ah.
Ethiopia ayaa ka horreysa Eritrea, iyadoo ku jirta kaalinta 91aad, baasaaboorkeeduna uu oggol yahay socdaal 46 dal. Eritrea waxay ku jirtaa kaalinta 98aad, iyadoo leh 42 dal.
Baasaaboorka Soomaaliya ayaa ah kan ugu hooseeya Geeska Afrika, waxaana uu ku jiraa kaalinta 102aad caalamka.
Dadka sita waxay geli karaan oo keliya 35 dal fiiso la’aan ama fiiso dal ku gal ah, Inkastoo ay jirto koboc yar marka loo eego sanadihii hore, haddana weli waa baasaaboorrada ugu daciifsan caalamka.