
Iyadoo todobaadkaan ay heshiisyo ku gaareen Madaxda Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya aya waxaa hada socda qabashada Shaqooyinka la xiriira heshiistadi dhacay.
Wasiiru Dowlaha Wasarada Arimaha Dibada Soomaaliya Mudane Cali Balcad ayaa ka hadlay waxa xiga kadib wada hadaladii Addis Ababa ee Masuuliyiinta Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Cali Cumar Balcad ayaa sheegay in Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya uu hadda wixii ka danbeeya xoogga uu saarayo arrimaha Itoobiya iyo Midowga Afrika.
Dhawaan ayuu sheegay in dib loo bilaabi doono in si dhaba ah loo fadhiisiyo Safaaradaha labada Dal ee Muqdisho iyo Adis ababa,isagoo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu dhawaan u bilaabi doono Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa.
“Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa oo xoogga saari jiray arrimaha Midowga Afrika awal waxa u xooggiisa saarayay AU-da oo wax badan kama qabaneyn arrinta Itoobiya balse hadda kaddib waxa uu xoojinayaa arrimaha Itoobiya” Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Cali Cumar (Cali Balcad).
Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya aya ka heshiiyay madmadoow soo kala dhex galay heshiiskii labada Dowladood,kadib markii uu sanadkii hore bilowgiiisii ay Itoobiya heshiis la gashay Somaliland taasoo Itoobiya ay ku dooneysay helida Bad.
15ka Bishaan oo ah Arbacada ayuu sheegay Cali Balcad in wufuud ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tagi doonnaan Addis Ababa & Qaahira si ay Labadaas Xukuumad ugala hadlaan tirada ciidan ee laga doonayo in ay howlgalkaas kusoo daraan.