
Wararka ka imaanaya Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa kusoo warramaya in ay billowdeen kulamo looga arrinsanayo xal u helista xiisadda ka dhex jirta Maamullada Somaliland & SSC-Khaatumo ee saameynta taban ku reebtay Magaalada Ceerigaabo.
Odoyaal dhaqameed kulan la qaatay Garaad Jaamac Garaad Cali waxa ay kala hadleen in dhanka uu dhaqanka u yahay ee SSC-Khaatumo uu aqbalo dedaallada kala duwan ay ku bixinayaan daminta xiisadda ka jirta Magaalada Ceerigaabo Gobolka Sanaag.
Ilo kala duwan ayaa sheegay in dedaallo kale oo ay wadaan Odoyaal dhaqameed kale ay diiradda ku saareen sidii ay ula hadli lahaayeen duubabka kasoo jeeda dhinaca Maamulka Somaliland si xal waara leho.
Warbixinnadii ugu dambeeyay ee laga soo saaray dadka ku barakacay colaadda ka jirta Magaalada Ceerigaabo ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay ku dhow yihiin 50 kun oo ruux oo lagu dul dagaalamay.