
Wararka ka imaanay miyiga deegaanka Jowle ku tiidsan ee gobalka Mudug ayaa laga soo sheegaya in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan Hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab.
Ciidamada ayaa Howlgalka ay sameeyeen la sheegay in ay ku dileen nin lagu magacaabo Cabdulaahi Siciid Bulxiye oo ahaa amiirki Deegaanka Jowle Al-shabaab u qaabilsanaa.
Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in dilka horjoogahaas ay wehliyeen dilka 10- kale oo Howlgalka lagu dilay, kuwaas oo la sheegay in ay ilaalo u ahaayeen.
Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan Hawlgalka, iyaga oo kaashanaayo Ciidamada Deegaanka.
Hawlkaan ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay wadaan Hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab, kuwaas oo muddooyinkii dambe ka socday miyiga deegaanka Jowle ku tiidsan ee gobalka Mudug.