
Wararka ka imaanaya degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa laga soo sheegaya in halkaas ku dagaalameen Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.
Wararka ayaa intaas ku daray in uu dagaalka uu muddo socday, iyada oo uu guddoomiyaha degmada Awdheegle iyo masuuliyiin kale isaga baxeen magaalada oo uu ka dhacay dagaalkii ugu qaraara mudooyinkaan dambe.
Sidoo kale, ciidamada Dowladda ayaa deegaanno hoos yimaado Gobalka Shabeellaha Hoose ka wado hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab.
Dhinaca kale, Ciidamada dowladda ayaa xalay hawlgal ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay deegaannada Laba-Garas iyo deegaanka Buursha Sheekh oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo halkaas ku burburiyay goobo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaannadaas.
Weeraradaan saaka ka dhacay Awdheegle ayaa imaanay xilli ay dowladda Soomaaliya muddoyinkii u dambeeyay dagaallo iyo hawlgallo ka dhanka ah Al-shabaab, ka wadday gobollada Shabeelaha Hoose iyo Dhexe.