
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Dawlad Goboleedka Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan ayaa xirtay wadada laamiga ee Boosaaso, gaar ahaan inta u dhexaysa degaannada Laag iyo Karin ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku xannibeen gaadiidkii xamuulka siday ee ka yimid dekedda magaalada Boosaaso.
Ciidamada oo wata gaadiidka dagaal oo isbaaro dhigtay laamiga, islamarkaana joojiyay isu socodkik gaadiidka ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, waxaana ay xukuumadda Puntland ka dalbanayaan in ay sida ugu dhakhsaha badan u siiso xuquuqda ka maqan, si ay u banneeyaan jidka laamiga ah.
Saraakiil ka tirsan ciidankan gadoodsan ayaa sheegay in ay marar kala duwan madaxweyne Deni ka dalbadeen in ay siiso mushaaraadka ka maqan, balse aysan wax jawaab ah ka helin, sidaasi darteedna laamiga u xirteen oo aysan furi doonin ilaa laga siiyo xuquuqdooda.