Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ee Dowlad Goboleedka Jubbaland aya sheegaya in Ciidamo ka tirsan Jubbaland ay isku dhiibeeyn Ciidanka Gorgor ee ku sugan Gobolkaasi.
Ciidankaan oo ka mid ah kuwa Jubbland kuwaasi oo watay Afar Doomood aya isu dhiibay Ciidanka Xooga Dalka ee ku sugnaa Raaskaambooni GOBOLKAASI Jubada Hoose.
Waxaa si weyn ciidankan isdhiibay u soo dhaweeyay Cidanka Dowlada ee ku sugan Raaskanbooni,gaar ahaan Taliyaha Gorgor ee Gaashaanle Ciraaqi oo hogaaminaya Cutubyada Ciidan ee Gobolka Jubbada Hoose.
Waxaa si weyn isu kala furfuray Ciidanka Jubbaland tan iyo markii uu bilowday Xiisada maamulka iyo Villa Somalia Ciidamo badana la geeyey Gobolka Jubbada Hoose.
Ma aha markii koowaad ee Ciidamo ka tirsan Jubbaland ee isku dhiibaan milatariga Soomaaliya Waxaana Maalmihii lasoo dhaafay si weyn usii kordhaayay Cidamadaasi oo baxsad ka ah Maamulka Axmed Madoobe.
Cidamadaan aya waxaa sido kale lagu soo daabulayay Diyaaradaha Militariga ah iyagoo la kenayay Muqdisho si dowladu u abaal mariso.