
War kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay ku guuleysteen howlgal lagu soo qabtay Gaari noociisu yahay Toyoto Probox oo lagu soo dhex qariyay Walxaha Qarxa sida hadalka loo dhigay.
Booliiska ayaa sheegay in Sameecad gaariga saaranayd lagu soo rakibay Walxahaan qarxa ee loosoo waday Magaalada Muqdisho, balse baaris dheeraad ah oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ay ka sal gaareen.
“Walxahan Qarxa ayaa dhagar qabayaashu ku soo farsameeyeen sameecadaha cod baahiyaasha ah, waxaana ay ku talagaleen in si farsameysan Ciidamada ku dhaafiyaan balse waa ay u suurageli waysay maadaama Ciidamadu u diyaarsan yihiin ka hortagga farsamooyinka cusub ay adeegsanayaan Khawaariijtu marwalbo” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Booliiska.
“Ciidanka Boliiska qeybtooda Xirfadlayaasha ah ayaa hadda ku guuleystay burburinta walxaha qarxa ee laga soo buuxiyay gaarigaa gacanta Boliiska kujira” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kooban ee kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Hay’adaha ammaanka ayaa kordhiyay howlgallada lagu baarayo Gaadiidka iyo Dadka la socda, waxa ay dhowr jeer soo bandhigeen Dad ku eedeysan falal liddi ku ah nabadgalyada, halka sidoo kale ay soo qabteen Gaadiid qaarkood la tuhmay inkasta oo markii dambe lasii daayay.