
Taliska Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay si rasmi ah ula wareegeen deegaannada muhiimka ah ee Sheebaab iyo Kaxaya oo hoos yimaada degmada Qandala.
Qoraal ka soo baxay Ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada gudaha galeen deegaanka Sheebaab, balse ay wadaan miino baaris.
Sidoo kale, Warbixinta Ciidamada ayay ku sheegeen in ay arkeen guri hoos u qodan iyo laba xabaal wadareed oo loo maleynayo in ay yihiin Xubnaha Daacish, laguna dilay duqeymaha Mareykanka.
Sidoo kale, goobta waxaa gaarey Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Puntland sida Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland, Sarreeye Guuto Aadan Cabdi Xaashi iyo Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire.
Deegaanka Sheebaab ayaa ah mid muhiim ah, waxaana dhowrjeer oo hore ka dhacay duqeymo xooggan laguna dilay xubno ka tirsan Daacish.