
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in uu beerto wixii uu cuni lahaa si looga maarmo ku tiirsanaanta gacmaha shisheeye.
Maareeye ayaa tilmaamay in adduunka uu is baddelay sidaas awgeed loo baahan yahay in Dadka Soomaaliyeed uga faa’iideystaan Badda, Beeraha & meelaha kale ee khayraatka dhex ceegaga si isku filnaan cunto loo gaaro.
Saadaasha guga ayuu sheegay in ay muujineyso biyo yari taasina ay dhibaato ku tahay Bulshada Soomaaliyeed, waxa uu ka Wasaarad ahaan tilmaamay in ay jiri doonnaan fursado badan oo la dhiirragelinayo si loo gaaro yoolka looga maarmi karo raadinta cuntada.
“Roob yari in ay dhici karto guga soo socda oo cunto yari soo wajihi karto in ka badan 4 Milyan oo Soomaali ah, Xaaladda Adduunka way is baddeleysaa, waxaa loo baahan yahay in ay isku tashataan, qof weliba in uusan isku halayn gargaar dibadda laga raadinayo ee aan la hubin, dadka Soomaaliyeed haddii ay badda aadan, beeraha haddii ay fashaan ama xoolaha si fiican u dhaqdaan way ku noolaan karaan” Wasiirka Beeraha & Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Waxa uu sheegay in ka faa’iideysiga Biyaha Roobka iyo Webiga in loo sameeyo meelo dhigaal noqon kara si dib loogu adeegsado marka xaaladaha abaartu jirto loogu wareebiyo beeraha lana siiyo xoolaha oo keliya lagu xirnaan waqti roobaadka sida uu hadalka u dhigay.