
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana xigay dagaal culus oo toos ah.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa gaadiid qaraxyo ah ku beegsaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka qaraxyada iyo dagaalka ay ka dhasheen khasaare xooggan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dareyso dagaalka ka socda halkaasi.
Al-Shabaab ayaa durbo guul wayn ka sheegatay dagaalka socda iyo weerarka qaraxyada ah ee ay ku qaaday Sabiib, waxayna sheegtay inay ku dishay askar iyo saraakiil badan, welina uu socda howlgalka, sida ay hadalka u dhigtay.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarka iyo dagaalka tooska ah ee haatan ka socda gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo sidaan oo kale ay maalmo kahor Al-Shabaab qaraxyo ugu weerareen degmada Awdheegle oo ay muddo kooban la wareegeen, kadib dagaal culus oo ay la galeen ciidamada Gorgor iyo kuwa 14-ka October ee Xoogga dalka.
Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.
Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.