
Wararka Daashsomalitv uu ka heleeyo Magalada Massagawaay ee Gobolka Galgaduud aya sheegaya in saakay halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya CXD iyo Alshabaab.
Dagaalka oo bilowday saakay aroortii hore aya waxa la sheegay in ay alshabaab kusoo qaadeen fadhiisimo ay ciidanka xooga dalka iyo kuwa deeganka ku lahaayeen halkasi.
Saldhiga la weeraray aya waxaa daganaa CXD gaar ahaan ururka 86aad ee guutada 77 iyo ciidanka difaaca deegaanka oo haatan magaalada kula dagaalama maleeshiyadii weerarka soo qaaday.
Sida aanu ku heleeyno wararka dagaalka ayaa xoogiisa aya hada ka socda Deegaanka Wardhegey iyo Bila Quban oo kaabiga ku heysa Garabka Geeldaye waana dhul banaan ah goobaha hada lagu diriraayo sida xogaha aanu ku heleyno.
Dhulka uu hada dagaalka ka socdo aya waxaa massagawaay loo socdaa ku dhawaad 30 daqiiqo.
Ciidanka Danab ee kumaandooska Soomaaliya aya weerarka ku biiray ku waasi oo gurmad u fidinaya CXD.
Wixii warar ah ee kusoo kordha halkaan ayan idiinkugu soo gudbin doonaa .