
Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Charles King iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda ku wajahan Puntland.
Safiirka Ingiriiska oo ay weheliyaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Safaaradda UK ee Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu booqdo magaalada Boosaaso, halkaasi oo uu ku qaabili doono madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweyne Siciid Deni iyo Danjire Charles King ayaa sida qorshaysan halkaasi ku yeelanaya Shir ku saabsan Xaaladda Siyaasadeed iyo tan Amni ee Soomaaliya gaar ahaan. Arrimaha doorashada 2026 iyo La-dagaallanka Daacish iyo Alshabab , sidan ka xigannay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka trirsan Madaxtooyaada Puntland .