
LKhilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoogeystay kadib khudbaddii uu sshalay Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka.
“Su’aasha aan mar kasta is weydiiyo ayaa ah; muxuu Madaxweynuhu uga aamusan yahay arrimaha dhulka oo ah qadiyadda ugu weyn ee maanta dalka ka taagan, iyadoo lagu yaqaan inuu difaacdo go’aannadiisa?” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame”.
Waxa uu intaas sii raaciyay: “Soo lama oran karo wuxuu ogyahay in aysan sharci ahayn, waana sababta uu uga dhuumanayo”.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka jawaabay hadalka mucaaradka,waxana uu yiri: “Khudbadda Madaxweynaha ee baarlamaanka hortiisa uu ka jeediyey waxay xoogga saaraysay waxqabad muuqda, horumar amni, mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho ay ka mid yihiin.”
Fiqi ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Madasha Samatabixinta ku eedeeyay inay ku foogan yihiin fidno iyo kharibaadda xasilloonida caasimadda, halkii ay ka shaqeyn lahaayeen horumarka dalka.
“Maanta dadka Soomaaliyeed waxa ay isku barbardhigayaan labadaas ajende waana caddahay midka maslaxadoodu ay ku jirto!” ayuu yiri Fiqi oo mucaaradka ku tilmaamay kuwa aan ka shaqeynayn maslaxadda dalka iyo dadka Soomaaliyeed toona.