
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtay shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaas oo ay yeesheen madaxda Puntland, Jubaland iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Qaranka.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS , Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal uu soo saaray ku tilmaamay go’aannadii ka soo baxay shirkaas kuwa loogu adeegayo danaha shisheeye, islamarkaana ka fog maslaxadda guud ee ummadda Soomaaliyeed.
“Mustaqbalka Soomaaliya waxaa looga arrinsadaa gudaha dalka, ma ahan dal shisheeye haddii aan dano ajnabi loo adeegayn,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wuxuu intaas ku daray in aan la aqbali karin in tiro madax ah oo uu sheegay in ay kasoo horjeedaan hana-qaadka dowladnimada Soomaaliya ay ka arimiyaan aayaha qaranka.
Warka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujinaya kalaaragti duwa naanshaha u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, taas oo si weyn u muujinaysa in khilaafka siyaasadeed e uu sii xooggeystay .