
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa maanta oo ah 28ka Febaraayo 2025 si toos ah u billowday wajiga saddexaadd ee howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, Madaxweyne Siciid Deni ayaa bogaadiyay howlgalladaas socda.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in guullo si wadajir ah la isaga kaashaday laga gaaray howlgallada lagu beegsanayo Daacish oo laga qabsaday dhul baaxad weyn oo haatan kamid noqday saldhigyada ciidamada Difaaca Puntland.
Waxa uu digniin u diray Dad uu sheegay in uu garanayo balse carrabkiisa uu ka ilaaliyay in uu ku xuso magacyadooda iyo xogtooda kuwaas oo gabbaad siiyay xubnaha Daacish isaga oo dulmar ku sameeyay ayuu tilmaamay in ay isugu jiraan Ganacsatado, Culimo & Madax dhaqameed.
“Hadafka waa in la ciribtiro cid argagixiso ah oo ka dhaqdhaqaaqda Puntland, Dadka qarsanaya ee guryahooda dejiyay, qaxootiga ka dhigay ee isugu jira Ganacsatada, Culimada, Dhaqanka & qaybaha kale ee Bulshada muddo todobo cisho ah ayay uga soo laaban karaan haddii kale tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa” Siciid Deni.
Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada ayuu ugu baaqay in mas’uuliyad wadareed ay ka saaran tahay ka saarista dalka xaaladda adag ee dhinaca dagaalka isaga oo ku baaqay joojinta dagaallada beelaha.
Deni ayaa sheegay in howlgallada ka socda Koofurta & Bartamaha Dalka ay yihiin kuwo lamid ah kuwa ka socda Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland, waxa uu ku baaqay in si wadajir ah loo kordhiyo howlgalkaas.