
In ka badan 600 oo qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen dhulgariir cabirkiisu yahay 6.0 oo ku dhuftay bariga Afqaanistaan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Taliban.
Dhul-gariirkan ayaa ruxay dhismayaal laga soo bilaabo Kabul ilaa caasimadda Pakistan ee Islamabad – waa xogta ilaa hadda la ogyahay.
Aagga fog ee dhulgariirku ku dhufty ayaa adkeyneysa in la ogaado tirade saxda ah ee ku waxyeeloowday dhiulgariirka, iyadoo dhanka kalena ay saraakiishu ka digayaan tiro badan oo dhimasho ah.
Tobaneeyo guri ayaa “burbur ku hoos jira”, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ka tirsan xukuumadda Taalibaan halka ay saraakiishu sheegeen in dhammaan tuulooyinka burbureen.