
Diyaarado dagaal ayaa duqeyn xooggan ka fuliyay Degmada Jilib Gobolka Jubada Dhexe oo gacanta ay ku heyso ‘AS’ waxaana la sheegay in loo adeegsaday walxa qaraxyo sameeyay isla markaana dhaliyay holac badan.
Inkasta oo aanay Dowladda Federaalka Soomaaliya faah-faahin ka bixin duqeyntaan balse saraakiil kala duwan ayaa laga soo xigtay in weerarkaan uu ahaa mid qorsheysan oo loogu talagalay in lagu beegsado goobo cayiman.
Waxaa adag in Dadka Shacabka ah ee Degmada Jilib laga helo xog dhammeystiran oo la xiriirta waxyeellada ka dhalatay ama saamaynta uu yeeshay dabkaas maadaama ay gacanta degmadaas ugu jirto ‘AS’
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa duqeymo xooggan ay ka dhaceen deegaanno ka kala tirsan Gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose & Jubada Dhexe oo ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.
Waxaa Dowladda Federaalka laga sugayaa in ay faahfaahiso cidda fulisay ama ka gacansiisay weerarkaan, khasaaraha ka dhashay, haddii la gaaray ujeedkii laga lahaa iyo su’aalo kale oo u baahan in ay ka jawaabto.