
Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu doortay xildhibaan Maxamed Cabdi Cali Faarax, kaa oo buuxinaya booskii uu banneeyay agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaha Mustaf Dhuxulow.
Doorashada xildhibaannimo ee goordhaw ka dhacday magaalada Dhuusomareeb, ayaa aheyd mid natiijadeeda horey loo sii ogaa, waxaana xildhibaanka guuleestay kursiga kula tartantay gabar malxiis ahaan loo sii diyaariyay.
Musharaxiintii kale ee dooneysay in ay kursigan u tartamayaan ayaa la sheegay in albaabada laga xirtay, waxaana la sheegay in Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor doorashada kursigan u xiray xildhibaanka la doortay.
Xildhibaanka cusub ee lagu doortay magaalada Dhuusomareeb , waxaa dhalay ganacsadaha caanka ah Cabdi Cali Faarax, kaa oo lagu xasuusto maraakiibtii uu dalka Yemen uga soo daabulay dadka Soomaaliyeed xilligii dalkaasi dagaalka sokeeye ka qarxay.