
Xilli ay jirto dagaal u dhxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AS ayaa waxa ay Dawlada soo saartay digniin culus oo la xiriirta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Digniintan ayaa waxaa jeediyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur wuxuuna u digay dadka la macaamila Khawaarijta iyo shacabka weli deggan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadkooda.
Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay dhowr jeer digniinno ka soo saartay la tacaamulka Al-Shabaab iyo in laga fogaado goobaha ay joogaan, balse taasi aanay dhaqangelin, walina meelaha qaar laga arkayo in ay joogaan dad shacab ah.
Wasiirka ayaa si gaar ah u tilmaayay in deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeelaha Dhexe lagu arkay dad badan oo toos ula macaamilayo kooxaha Khawaarijta, isaga oo markale digniin adag u diray kuwa wali ku jira howlahaas.
Waxaa kale oo uu ku celiyay in bartilmaameed ay yihiin goobaha ay haatan ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Shabaab, sidaas darteedna shacabka looga digayo in ay u dhawaadaan, si looga hortago waxyeelo kasoo gaarta weerarada iyo duqeymaha culus.
“Anagoo aad uga fogaaneyna in shacab waxyeelo ka soo gaarto duqeynta ayaa waxaan amiiro ka tirsan Khawaarijta ku duqeyney deegaanka Ceel Bacad, waxaan mar labaad Shacabka uga digeynaa in eysan Khawaarijta la macaamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Shabeelaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada oo soo galay gobolkaasi.