
Waxaa goor dhaw gaaray Deggaanka Raaskaambooni ee Gobolka Jubada Hoose Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo ku biiraya ciidanka Dowlada ee Deegaankaasi joogo
Wararka ka imanaya Gobolka Jubada Hoose aya sheegaya in halkaasi ay gaareen 2ba dayuuradood oo siday Ciidamo a tirsan kuwa xooga dalka soomaaliya kuwaasi oo gaaray deegaanka Raaskambooni ee Gobolkaasi.
Xogaha aanu heleyno ayaa sheegaya in Diyaaradahaasi ay wadaan xubno ka tirsan Dowalada Masuuliyiin,Saxafiyiin,iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Militariga Soomaaliya.
Lama oga ilaa iyo hada in wafdigaasi ay ka mid yihiin masuuliyiin dowlada ka tirsan oo xilal sare haaya iyo in kale.
Sidoo kale 2bada dayuuradood aya safarkooda ay muqdisho kaga baxeyn ee ay ku gaareen Deegaanka Raaskambooni aya waxa ay ka dhigan tahay in uu buray amarkii Maamulka Jubaland kasoo baxay ee daarnaa in xayiraad safar la saaaray deegaankaasi.
Dowalda soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay geeyneysay Ciidamo badan Deegaanada Jubooyinka ,iyadoo talabadaasi ay imaaday ka gadaal markii uu qarxay xiisad xoogan oo u dhaxeeysay Villa Somalia iyo Jubaland.