
Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku guuleysatay fududeynta in 161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayiranaa dalka Libiya dalkooda loogu soo celiyo, iyada oo loo marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Bani’aadantinimada (VHR).
dhallinyaradaas dalka dib ugu soo laabatay ayaa 74 kamid ah waxaa ay gaareen Magaalada Hargeysa, halka 87 ay gaareen Magaalada Caasimadda ee Muqdisho, iyada oo wasiir Fiqi uu tilmaamay in ay dowladda Soomaaliya ka go’antahay badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka dibadiisa iyo sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen.
Sidoo kale Danjire Maryan Yaasiin, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Muhaajiriinta & Xaquuqda Carruurta, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dadaallada la isku soo dubariday, iyada oo tilmaantay doorka muhiimka ah ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ku leedahay ka hortagga caqabadaha Tahriibka.
Dhanka kale, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson iyo Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Manuel Marques Pereira, ayaa bogaadiyay tallaabooyinka fir-fircoon ee Soomaaliya ay uga hortagayso dhibaatooyinka haysta muwaadiniinta go’doonsan, iyaga oo tilmaamay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada caqabadaha socdaalka.
Danjire Cabdi Aadan, Safiirka Soomaaliya ee Liibiya, ayaa kaalin mug leh ka qaatay soo celinta dhallinyaradaan, iyada oo barnaamijkan Dib u soo celinta ay gacan ka geystay Midowga Yurub, IOM, iyo UNHCR, oo ay lama huraan u ahayd fududeynta soo celinta Muwaadiintan Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa wadday muddooyinkii ugu dambeeyay dedaallo ay dalka dib ugu soo celineyso dhallinyarada ku xayiran dalalka kale, iyada oo horay sidaan oo kale dalka ku soo celisay dhallinyaro Soomaaliyeed.